Xubintii xisbiga UCID ugu jirtay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay xabsiga loo taxaabay. Md. Axmed oo ku xidhan xarunta Ciidammada Laanta Baadhista Dembiyada CID ee magaallada Hargeysa, ayaan ilaa hadda caddeyn u jeeddada xadhiggiisa. Sidoo kale, ma jiraan wax faahfaahin ah oo ku saabsan xadhigga masuulkan oo ka soo baxay xisbiga UCID iyo masuuliyiinta Booliska.
haseyeeshee, koox suxufiyiin ah oo shalay gelinkii danbe iskudayay in ay la
kulmaan Md. Axmed ayaanay u suurtogelin, kadib markii ay horjoogsadeen Suxufiylinta ilaallada xarunta CID-du.
Md. Axmed oo ka mid ahaa toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanku, isla markaana uu soo xulay xibiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa in muddo ahba ka fadhiyey hawlihii shaqo ee loo igmaday, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xubnihii kale ee Komishanka, kuwaas oo ay ku kala aragti duwanaadeen qaabka ay u socdaan hawlaha doorasnooyinka ee loo igmaday guddidooda, isla markaana uu dhowr jeer saxaafadda ku caddeeyey in aanay suurtogal ahayn qabsoomidda doorashooyinka. Sidaas darteedna uu waajib saran yahay in uu bulshada u soo bandhigo xaqiiqada hawlaha bulshadu ka sugayso. Arrintaas oo ay saluug weyn ka muujiyaan xubnihii kale ee Komishanku. Sidaa darteedna fadhi degdeg ah oo ka yeesheen xubnaha Komishanku ku go'aansadeen inay xilkii xubinnimo ka qaadeen, hasayeeshee aannu xisbiga UCID ilaa iyo hadda wax hadal ah oo ku saabsan arrinta xubintooda komishanka ka soo saarin, isla markaana aanay caddeyn in Xisbiga UCID ku qancay go'aanka eriga ah soona beddelan doono xubinta ka bannaanaatay iyo in uu diyaar u yahay.
Xigaal Wagayska Jamhuuriya Cadadka 3555aad