Kulan-hawleed soconayey muddo laba maalmood ah oo laga arrinsanayey doorka saxaafadda ku leedahay marxaladda cusub ee xilligan dalku ku jiro iyo qodobo kale co muhiim ah, ayaa shalay lagu soo gebogabeeyey huteelka Xaraf ee Hargeysa. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabannaan ee SSJW, isla markaana lagu sii amba qaadayey go'aamadii ka soo baxay shir ay dhawaan saxaafaddu ku yaalatay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxa iyo tifaftirayaasha wargeysyada, Tv-yada, idaacadaha iyo saddexda ururrada saxaafadda Somaliland sida SOLJA, SSJW, Wl JA iyo ururka website-yada SOA. Shirkan oo furitaankiisii hadallo koob kooban ka soo jeediyey Guddoomiyeyaasha ururrada saxaafadda SSJW iyo SOLJA Yuusuf Cabdi Gabboobe iyo Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa lagu doortay xunbaha shirguddoon ku-meel-gaadh ah, oo haga muddada uu shirku socdo, kuwaas oo magacyadoodu kala ahaayeen;
1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
2. Faysal Cali Sheekh
3. Faysal Maxamed Cabdi (Fadh-fadhle)
4. Nafiisa Maxamed.
Sidoo kale, kadib markii ay ka qaybgalaashu si
saraaxad ay kulan ugaga doodeen ajande ka kooban
afar qodob oo kala ah:
1. Xaaladda cusub ee dalku galay iyo saxaafadda Somaliland
2. Abuuridda dalad mideysa ururrada saxaafadda Somaliland
3. Abuurida guddida sare ee cabashooyinka iyo anshaxmarinta saxaafadda
4. Dhaqangelinta xeerka saxaafadda Somaliland
ayaa waxa gebagabadiisii lagu go'aamiyey lix qodob oo dajiyey in lagu dhaqo saxaafadda maxaliga ah xilligan kala guurka ah, kuwaas oo kala ah;
a) In sida ugu habboon ee ay saxaafaddu xilkeeda ku gudanaysaa marxaladdan adag uu noqdo iyada oo ku dhiirata inay gudbiso xaqiiqada iyo runta waxa laysku hayo isla markaana ay ka gar-naqdo is-marinwaagga dhinacyada.
b) Kulan-hawleedku markuu ku qancay in loo baahan yahay midnimada saxaafadda waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Dalladda Midowga Saxaafadda Somaliland (USJ).
c) Waxa aqlabiyad lagu oggolaaday guddi si ku-meel-gaadh ah u sii haysa hoggaaminta dallada sida xeerarka, furintaanka xafiiska iwm.
d) Dhismaha Gudida cabashooyinka iyo anshaxmarinta (coplaints and ethics committee) oo
ka koobnaanaysa toddoba xubnood oo ay laba ka mid ah yihiin dad aqoon u leh mihnadda saxaafadda kuna sifoobay dhaqan wanaag, balse waqtigan aan ka mid ahayn dadka ku shaqeeya mihnaddan iyo shan xubnood oo meerto noqonaya kana kala imanaya qaybaha warbaahinta kala duwan.
e) Xubinta guddida ka galaysa hay'ad warbaahineed waa inay buuxisaa shuuradda suxufiga ee ku tilmaaman xeerka saxaafadda.
f) In loo hawlgalo sidii uu xeerkii saxaafadda Somaliland ee labaad golaha Baarlamaan ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay u noqon lahaa dhaqan-gal, waxaana la isku raacay in hawshaa loo igmado guddidii hore ee uu u xilsaaray kulan-hawleedkii SOLJA ee ku qabsoomay Maansoor. Waxa kale gebagabadii kulanka lagu magacaabay guddiga ku-meel-gaadhka ah oo ka hawlgasha dhaqaajinta dajinta bamaamijka ay ku hawlgali lahayd dallada cusub ee loo aasaasay ururrada saxaafadda Somaliland, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin;
1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Guddoomiye
2. Khadar Maxamed Cakule Guddoomiye-ku-xigeen
3. Maxamed Xuseen Rambo, Xoghaye
4. Faysal Cali Sheekh, Xubin
5. Xasan Shugri Aw Cali, Xubin
6. Cabdirisaaq Maxamed Dubbad, Xubin
7. Xadiis Maxamed Xadiis, Xusbin
8. Cali Cabdi Diini, Xubin
9. Nasra Ciise Aw Kaahin, Xubin
10. Xayaad Maxamed Cabdillaahi, Xubin
11. Faysal Maxamed Cabdi (Faysal Fadhfadhle), Xubin.
12. Cabdillaahi Aadan Dhammeeye, Xusbin
Dhinaca kale, waxa ka soo baxay shirka baaq ka kooban laba qodob:
I.Xaaladda Dalka: Shir-hawleedku markuu ka dooday xaaladda dalku marayo iyo khilaafka cakiran ee taagan, isla markaana garawsadasy welwelna shacbiga Somaliland ka qabo xaaladda, waxay suxufiyiintu ugu baaqayaan xisbiyada iyo Xukuumadda in wadahadal iyo isu-tanaasul lagu dhammeeyo khilaafka taagan, sida ugu dhakhsaha badanna wada-hadal ay isugu soo horfadhiistaan.
II.Xeerka Saxaafadda: Suxufiyiintu waxay ugu baaqayaan saddexda waaxyood ee qaranka (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka) inay ixtiraamaan xeerka Saxaafadda, xeer No: 24/2004 ee ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka, Madaxweynuhuna saxeexay, isla markaana lagu dhaqmo.
Xigaal Wagayska Jamhuuriya Cadadka 3555aad