Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in markii labaad ay bilaabmeen hawlihii
dhexdhexaadinta khilaafaadka ka dhex oogan siyaasiyiinta mucaaradka iyo maxaafidka Somaliland, kadib markii Isniintii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) shaaciyey inuu burburay qorshe iskii isugu xilsaaray xal-u-helidda arrimaha la isku maandhaafsan yahay ee xilligan dalka ka oogan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne), ayaa lagu sheegay inay mar labaad ay bilaameen hawlihii dhexdhexaadinta murannada siyaasadeed ee ka dhex oogan muraacadka iyo muxaafadka Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan:
"Waxaannu halkan ku baahinaynaa kuna caddaynaynaa in ay bilaabmeen wadahadalladii saddexda xisbi qaran oo ay dhexdhexaadinayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku oo hawlaha doorashooymka u xilsaaran. Wadahadalladaasi waxay ka furmeen xarunta Akademiga Nabadda iyo Horumarinta maanta [shalay] oo taariikhdu tahay 13/ 05/2008,11:00 subaxnimo, waxana isugu yimi min saddex xubnood oo ka socda xisbiyada iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kulankaas oo ku dhacay jawi fiican waxa lagu go'aansadey:
1. In bernto [maanta] subax la isugu soo noqdo kulankii labaad.
2. In saddexda xisbiba joojiyaan af-lagaadada, cayda iyo is-eedaynta warbaahinta la isu mariyaan ee aanay shacbigan geyin sharaftoodana ahayn.
3. In warbaahintu dhawrto go'aankan laga wado gaadhay af-lagaadada, taas oo ay kormeeri doonaan Guddida Anshax-marinta ee Doorashooyinku."
Xigaal Wagayska Jamhuuriya Cadadka 3555aad