
Maxaad ku falaysaa hurdada, sow xafladdii berri u ambabiximaysid? Ayay naftaydu igula shawrtay habeenkii Sabtida. Nacasnimada jooji, haddii aad si fiican u gami'weydo naf yahay sidaad wacdaraha dumar iyo rag ka dhigi doonaan madasha loo ballansan yahay u liqi doontaa; ayaan naftaydii kula taliyay. Hurdadii kama dhergin, naftii se wixii ay goobtaas kala kulantay xusuus dheer iga dheh.
Maalintii Sabtida ee bisha Mey 10ka ahayd, waxa madal caan ah oo York Hall loo yaqaan, kuna taal xaafadda Bethnal Green ee Bariga Landhan ka dhacday xaflad ayay qabanqaadeeda ka soo shaqaysay Ayaan M Cashuur. Xafladdaasi waxa ay hordhac u ahayd dabbaaldegga 17 guurada ka soo wareegtay soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland, waxa loo qorsheeyay in taageero dhaqaale loogu ururiyo Jaamacadda Burco, gaar ahaan qaybta Afka Soomaaliga iyo Dhaqanka.
Martiqaadka xafladdu wuxuu dhababaco noogu yimi magaalada Liverpool. Waxa aannu madashii xafladda isu daruurrinnay afartii galabnimo.
Inkasta oo aannu, sida wakhtiyaynta barnaamijka ku caddayd, soddon miridh habsan ahayn, haddana sidii, dhaqan ahaan, caadada inoo ahayd waxa aannu gaadhnay madashii oo dadku qalamaanyo ku yahay.
Maxamed Baashe X. Xasan oo isagu soo dhoweynta martida billado ku sita ayaa goobtii naga helay, judhiiba xildhibaan Cabdiqaadir X I Jirde oo nala socday ayuu dhankii madaxdu fadhiday farta ugu fiiqay. Anigu se dacwad kale ayaan Maxamed u qabay, saacaddii qolada xafladda abaabushay igu qoreen, ee igu yidhaahdeen dadka noogu qayli ayay dhaaftay;
"Waan dhacay, sidii roodhi ekesbaayar ah" ayaan Maxamed kula kaftamay.
"Dukaankayaga waxba kama dhacaan ee wakhti cusub ayaannu garabkaaga ku dhejinaynaa" ayuu iigu warceliyay. Wuxuu ba, si uu iigu xaqiijiyo, dhoosha iga tusay wakhtiga cusub, waa runtiisa weli khaayis ma noqon.
Iska sug haddaba inta wacdaruhu bilaabmayaan ayaan naftii kula shawray oo nin aannu asxaab kala raagtay nahay bariido kula degdegay. Maxamed Baashe oo lalaya ayaa soo noqday, waar maxaa kugu soo celiyay ayaan is idhi. Inan' qurux loo dhammeeyay oo laankaas le'eg ayuu wadaa; "Waxa aan necebahay in hablaha qalo ku dhacdo oo ay cidloodaan" ayuu nagu wargeliyay oo noo raaciyay; "Inantu waa Nimco, keligeed bay halkaas fadhiday, kursigan walaal soo qaado oo nimankan la fadhiiso, maxaa cidlada ku dhigay" intuu yidhi ayuu taw yidhi oo shaqadiisii ku toosay. Illaahow ninku karti badanaa ayaan hoosta iska idhi. Shan daqiiqadood markuu maqnaa ayuu haddana isaga oo inan' kale oo uu iyana meel cidla ah ka soo kiciyay isaga oo wada noo keenay; "Inantanuna way cidlooday ee qalada ha laga bi'iyo". Bal illaahay amarkiisa iyana waa Nimco.
Lixdii iyo badhkii ayaa xafladdii noo bilaabantay. 'Kaadsiinyo kiish lacag ah ayay dhalaan' waa tii hore loo yidhi. Markii ay Cabdiraxmaan Awliyo barnaamijkii fureen ee hoggaamintii Maxamed Baashe gacanta loo geliyay ayuu colkii fanka ugu miisaanka roonaa noo dalbaday. Waa Maxamed Axmed Kuluc iyo Dararamle, cuud gal ku jira ayay laalaadsanayaan.
"Somaliland ma xoroobin 18ka Mey, waxa ay la soo noqotay xornimadeedii ay heshay 26kii Juun 1960" ayaa Dararamle na xusuusiyay. Waa mahad allee, maanta waa dharaar; oo cuud farshaxan kaga hadlinayo loo tumayo ayay nagu istaadheen. Qiiro waddaninimo, xusuus raagtay iyo dal inaannu leenahay, qaxootinnimada bilaash ugu jirro ayaa niyaddaydu yiqiinsatay.
Waxa golaha looga yeedhay abwaanad Amran Maxamed Axmed. Abwaannada magaceeda hore waan u maqlay se suugeenteeda weli dhegahaygu ma maqal. Sidii hogol gu oo hoortay ayay Amran gabay ay xafladdan lafteeda u alliftay noogu doojisay, tix dhallinyarada surwaalku ka dhacayo ee is qalqalloocisa ay u marisayna waa noo tiraabtay. Waxa iyana gabay cajiib oo xigmad badan xambaarsan noo dhiibtay Caasha Luul. Wuxuu ahaa gabay salka ku haya mushkiladda qoyska haysta, gaar ahaan qoyska ninkii merfeshka ka galay ee jaadku haysto, hooyadiina la daalaadhacayso carruurta iyo korintoodii. Faysal Cambalaash ayaa isagun laba gabay oo Jaadka iyo xafladda ah noo dhiibay.
Weli afkaaga hooyo qariib ma ku noqotay? Waa tabta uu Dr Martin Orwin nagu sameeyay. Saddex heesood, Hooyo(Hadraawi) , Fad Galbeed(Gaarriye) iyo Gorayadu Ilmaheeda(Xasan Sh. Muumin) ayuu Martin af Soomaali noogu tiriyay, dabadeedna afkiisa noogu sheegay.
Waxa kolkaas barnaamijka daadihintiisii lagu wareejiyay wiil iyo gabadh dhallinyaro ah, Cismaan Warsame iyo Sucaad Carmiye. Xafladda qaybteedani waxa ay ku saabsanayd Somaliland iyo maanta. Marti sharaf badan ayaa goobtaas hadallo ka jeediyay, Mark Bradbury oo dhowaan soo saaray buug la yidhaahdo 'Becoming Somaliland' ayaa ka mid ahaa khuburada loo yeedhay. Hadal qiimo leh oo ku aaddan marxaladihii Somaliland soo martay ayuu goobtaas ka jeediyay. Waxa ku xigay oo hadalka qaatay Dr. Steve Kibble oo ka socday Progressio hay'ad la yidhaahdo. Dr. Steve wuxuu bixiyay talo saaxiib oo ammaan iyo dhaliil intaba leh. Waxyaabaha dhaliisha ah ee uu taabtay waxa ka mid ahaa hakadka galay faragelintii Shuronet ee dawladda iyo xadhiggii madaxda ururka Qaran.
Professor Ioan Lewis ayaa isna goobtaas khudbado qiimo leh ka jeediyay isaga oo ka soo bilaabay markii ugu horraysay ee uu Somaliland tago iyo sida uu ilaa maantadaas arrimaha dalka ula socday.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa isaguna ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marya dhiska baarlamaanka Somaliland. Wuxuu Xil. Jirde taabtay in tan iyo 1991 Somaliland yeelatay afar baarlamaan oo kan imika taagani ugu dambeeyay. Wuxuu kale oo Xildhibaan Jirde taabtay qabyada ku jirta dastuurka iyo xeerarka.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka tirsan jaamacadda Brunei ayaa isna goobtaas ka hadlay. Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna goobtaas ka hadlay isaga oo ka soo warramay halgankii SNM ilaa iyo marxaladda Somaliland ee maanta taagan.
Waxa kolkaas loo gudbay qaybtii saddexaad ee xafladda oo uu Dr Sacad Cali Shire kaga warramay marxaladaha kala duwan ee ay waxbarashada waddanku soo martay, isaga oo ka warramay horumarka jaamacadaha dalku sameeyeen.
Intaas ka dib waxa marti ahaan xafladda loogu soo casuumay orodyahanka
Maxamed Faarax oo u tartama waddankan Ingiriiska. Maxamed oo dhalasho ka soo jeeda Somaliland wuxuu qiiro iyo xamaasad ku abuuray dadkii xafladda isugu yimi, isaga oo si gaar ah ula hadlay dhallinyarada. Wuxuu Maxamed ka warramay tababarka uu qaato oo uu ku tilmaamay 140 saacadood oo orod ah toddobaadkii, wuxuuna ku boorriyay dhallinyarada in wax uun qabtaan. Wuxuu kale oo Maxamed nagula kaftamay in aannu(Reer UK) taageerro marka uu ordayo, "Haddii aad timaaddaan marka aan tartanka ku jiro i taageertaan xaqiiq billadda u sarraysa waan soo qaadayaa" ayuu nagula kaftamay.
Intaas ka dib waxa loo galay xafladda qaybteedii fanka oo uu daadihinteeda lahaa Cali Axmed Raabbi(Seenyo) . Waxa kolkaas fagaaraha usoo baxay koox ay hoggaaminayso Nimco Yaasiin(Nimcooyinku habeenkaas waa na hafiyeen) oo ay ka mid ahayd Maryan Mursal.
"Calanyahow ka dhicin" cusub oo uu midhaheeda leeyahay Cali Seenyo ayaa lagaga dayaamiyay. Mar qudha ayuun baa kuraastii degdeg loo laalaabay, dhallinyaradii cuslaatay gees loo riixay, jaan iyo jiibna la isku daray.
Somaliland, Nimcoland iyo xaflad xusuus mudan iga dheh.
Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail. com