Waxa saak dadwayne fara badan isugu soo baxeen Beerta xorriyada ee magaada Hargaysa, Dadkaas oo qaarkood siteen Calanka Somaliland. Kadibna waxaa yimid Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeediyay qudbad uu kaga hadlay xuska Maalinta 18ka May oo uu sheegay in sanadka laga xusay meelo aan sanadihii hore aan laga xusi jirin, taasina ay ku suurogashay ciidanka Somaliland oo gaadhay dhinaca bari ee dalka. Waxyaabihii kale ee uu ka hadlay Madaxwaynahu waxa ka mid ahaa wadahadlka Dawlada iyo mucaaridka u socda, Korodhka maceeshada caalamka, dhinaca biyo yarida jirta iyo caalamka oo uu u soo jeediyay inay gartaan inay Somaliland tahay Dal ka madaxbannaan Somalia.
Waxa kale oo munaasabadan ka soo qaybgalay Maayarka Hargaysa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo labada guddoomiye ee Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida.
Xaflad lagu qabtay Burco oo lagu xusaya iyana munasabada Maalinta 18ka ayaa Waxa Hadal ka soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin), Waxa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo), waxa kale oo kala qaybgalay xafladaas labada guddoomiye ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye.
Xaflad Sidoo kala Lagu Qabtay Boorama waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.