Xaalad Xun oo Halis ah oo aan Hore inoo soo marin ayaa Dalkii Marayaa: By: Muj. Maxamed Xaashi Cilmi
Dhibaatooyinkii hore loo qabay, waxa ka mid ahaa:
Shaqa la'aan, Mushahar yarida Ciidamada iyo
Shaqaalaha, Maamul xumo, Wax soo saar iyo horumar
la'aan, musuq-maasuq, Dhaqaale bur-bur iwm;
Waxa ku soo kordhay- Maceeshaddii oo si xad-dhaaf ah u
qaaliyowday. Sannad iyo dhowr bilood gudahood, waxa
ascaartii cunada korodhay 300 %. Gadbadda bariisku
waxay maraysaa $ 62. Mushaharkii shaqaalaha dawladdu
ma gooyo gadbad bariis ah. Shidaalkii cirkuu isku
shareeray, Noloshii dan-yartu ama dadkii saboolka
ahaa, waxa ay ku sugan tahay xaalad aad u adag. Cid u
maqanina ma jirto
Waxa soo kordhay, Xukuumaddii oo wakhtigeedii
dhamaaday oo Dalkii aanu maanta lahayn, madaxweyne iyo
ku xigeen iyo xukuumad sharci ah.
Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa
xilka loo dhaariyay shan sanadood oo qudha, 15 May,
2003 ilaa 14 May, 2008. Aftidaa ama codkaa dadweynahu
waa Dastuuri, sharci ka dambeeyay oo lagu bedelayna
aanu jiro. Arrin weyn oo dhacay oo muddo-dhaafkaa loo
food-saarayna ma JIRO.
Waxa iyana nasiib darro ah, in sidoo kale, Golahii
Guurtida iyo kuwii Dawladaha Hoose, iyana wakhti-dhaaf
ku dhacay oo ay sharci darro ku fadhiyaan, Saddexdan
dhacdo, waxa ay tusaale u yihiin; masuuliyad darrada
iyo xilkas darrada, madaxda sare ee Dalka.
Waxa isweydiin leh, : MAXAA ILAA LIXDANKII LOO
WAAYAY, XUKUN QUMAN iyo TALO QEEXAN ( Good
Governance and Transparency) ?
Jawaabtu Qabiil;
Qabiil iyo Qaran; Waxa aynu dooranay Qabiilkii. Taas
oo sababtay, in Dawladda lagu qiimeey, yaa innoogu
jira iyo madaxda Sare yeynu ku leenahay?. Waxa
meesha ka baxday in Dawladda lagu qiimeeyo; Hufnaan,
horumar iyo wax qabad. Qabiilku wuxu xambaarsan yahay;
ficiltan reer iyo loolan joogta ah, eex iyo
musuq-maasuq. Qabiilku uma adeego danta guud, ee wuxu
u adeegaa danaha gaarka ah. Waa aragti gaaban, Haddii
danta caamka la waayo, tu gaar ma jiri karto.
Xukuumadda, oo arrintaaas dano gaar ah ku fushata ama
uga faa'idaysata, waxa ay dhistay maamul balaadhan oo
qabiilka raali geliya. Maanta, waxa innoo dhisan;
Xukuumad ka kooban; kontameeyo (50) wassiir, wassiir
ku xigeen iyo wassiiru-dawla iyo lix iyo labaatan (26)
wassaaradood. Waxa ku baxda, lacag si ka haboon dalka
wax loogu qaban lahaa.
Waa maxay, hawsha ay Wassiiradaa badahi Ummadda u
qabtaan?
Inta badan, miisaaniyadda loo qoondeeyaa ma aha mid
loogu talagalay horumar. Waxay agaasimaan, wixii loo
siiyay inay ku hawl galaan oo ah: Miisaaniyadda
wassaaradda, shaqaalaha iyo mushahar kooda, shidaalka,
qalabka xaffiiska, gaadiidka iyo arrinta loo abuuray
oo ah isku-xidhka reerka iyo xukuumadda. Waxa u soo
raaca; oday, sulgaan ama qurba-joog madaxweynaha
salaan loogu geeyo.
Xaffiiska waxa la joogaa, saacadaha yar, ( 9 a.m ilaa
11 a.m). Hawl lama qabto. Inta badan waa; iswareysi,
shah/ koffi iyo telefoon, Madaxweynihii ma soo degey.
Muddada toddoba iyo tobanka sannadood iyo lixda bilood
ee ilaa 1991, waxa la shaqeeyay, lix sano iyo badh.
Waxa lumay kow iyo toban sannadood.
Qiimo darrada wassiiradaa iyo wassaaradahaa badani,
waxay ka muuqdaan habka miisaaniyadda loo qaybiyo.
Tusaale ahaan, Kow iyo toban wassaaradood iyo laba iyo
toban hayadood, waxa mid walba, la siiyaa, miisaaniyad
ka yar, sls 855,000,000. oo ah shidaalka wassaaradda
maaliyadda.
Sido kale, waxa ay Xukuumaddu taageerada dadweynaha ku
raadisaa, shaqaale badan; 7,197 qof (
ciidamadu kuma jiraan ). Kharash aan loo baahnayn baa
iyana ku baxa. Hawl ay qabtaan intooda badani ma
jirto. Tusaale ahaan haddii aan laba wassaaradood u
soo qaadano:
Wassaaradda A. Gudaha, waxa ku qoran 928 qof, Boqol
ma gaadho shaqaalaha xaffiisyadu. Inta kale waa;
af-miishaar iyo caaqil. Caaqilka waxa samaystay
gumeysigii oo maanta looma baahna. Hawsha ay dadkaasi
qabtaan, waa dacaayadda mucaaradka.
Wassaaradda Maaliyaddana, waxa ku qoran 435. siddeetan
( 80 ) wax ka badan hawsha looguma baahna. Inta kale
iyana waa Af-miishaar, Xukuumadda ammaana,
mucaaridkana ceebeeya. Nassiib
darro, kuwaas, ayay Xisbiyada mucaaridku u haystaan
dadweyne ka soo horjeeda.
Halka shaqaale, kuwaa ka faa'ido badan looga baahan
yahay, waa Wassaaradda Waxbarashada. Waxa Wasaaradda
ka shaqeeya 3,516 macalim. Waxa mushahar ka qaata,
2,258 Waxa fiiga ardayda mushahar loo siiyaa 1,258
macalim, Haddii lacagta Af-miishaarka iyo caaqilka,
macalimiintaa mushahar loo siin lahaa, fiiga dhibay
dan-yarta, caruur badani ku wayday waxbarasho ayaa
laga dhaafi lahaa. Taasaa dadka uga wax tar badaan
lahayd.
Maamul xumi, qalooc ka baxo. Waxa iyana jirta, in
Wassaaradda Maaliyadda la siiyay
sls 15,957,269,428, sannadkii 2007. oo ka badan
miisaaniyadda labada Wassaaradood ee Waxbarashada
(sls 10,856,220,973) iyo Caafimaadka (sls
5,989,801,360 ). Xisaab-xidhka miisaaniyadaha dawladda
lama hor keeno, G/wakiilada, Hanti-dhawrkuna ma
baadho. Ujeedadu, waa si aan loo ogaan; inta la
leexsado, siyaadada soo baday iyo hadhaagii aan la
isticmaalini. Kuwaas oo aan lagu darin miisaaniyadda
sannadka dambe
Bal iyana u fiirso, musuqa-maasuqa, wassaradaha
laf-dhabarka dhaqaalaha ahaan lahaa, dakhli iyo
kharashka. Tusaale 2007; ( $ 1.00 = sls 5,800)
W. macdanta iyo biyaha: Dakhli (sls 10,682,033) =
$ 1,800 - kharash $145,000
W. Boos. Iyo Isgaadh. Dakhli (sls1,669,990,078 ) =
$ 280,000- Khgarash $116,000
W. Kaluumeysiga Dakhli (sls1,109,507,000 )
= $ 190,000- Kharash $160,000
Dekedda Berbera Dakhli (sls2,000,000,000 )
= $ 340,000 -------------------------
Xukuumaddu, khayraadkii dalka, ma bilaash bay u
bixisaa, mise wax baa ku laaban ?
Wassaaradda macdanta iyo biyaha ee liisamada batroolka
iyo madanta bixisa, ayaa dhiiqday $ 1,800
ma caqlibaa ?
Tobanka markab ee laga leeyahay dalka Massar, ee
baddii xaalufiyay, deegaankiina baabi'iyay, waxa ka
soo hoyda $ 52 maalintii / markabkii, iyana ma caqli
baa ? Miyay gaa-gaxeen Dekeddii Berbera iyo
isgaadhsiitii ?
Waxa intaa dheer, Dakhli badan oo aan miisaaniyadda
gelin, oo ku hoyda madaxwtooyada sida; Dakhliga
dekedda Berbera, Haamaha shidaalka, Lacagta adagg ee
xoolaha dhoofa, Shirkadda kaluumeysiga, Fiiga
shirkadaha batroolka iyo macdanta baadha .
Madaxweynuhu, wuxu Qaranka ku leeyahay mushahar iyo
xuquuq marka uu hawlgabo. Hantida ummaddu waa ammaano.
Deeq uma bixin karo, maalka ummadda. Sida ku qeexan,
Dastuurka qodobka 55. (1-7). Golaha Wakiilada ayaa
ogolaanaya, gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda
ku jirin.
Dhaqaale bur-burka, siyaasad xumada iyo cadaalad
darrada, waxa sal u ah, Dastuurka iyo sharciga Rayaale
sida badheedh ah u baalmaro.. Haddaba waxaas oo dhan
yaa ansixiya ? Waxa ansixiya wassiirada iyo
mudanayaasha ay beeluhu isugu faanaan,
DHAAWAC WEYN, BAY XUKUUMADDU U GEYSATAY
AQOONSIGII iyo SIYAASADDA A. DIBADDA: ee JDL
Bilihii dambe, waxa ay xukumaddu ku tumtay :
Xorriyaddii Banaanbaxa, Ra'yi-dhiibashada, Saxaafadda,
Xuquuqda Qofka iyo Xorriyadda Assaasiga. Waxa maanta
xabsiga ugu jira Abshir Saxardiid Xaashi.iyo boqolaal
lagu xidhay xukunka Deg-dega ee Baarlamaankii hore
laalay.Waxa aan iyana ugub ahayn, dad isu soo baxay oo
aan hubeysnayn oo rasaas lagu laayo, cid aan loo
xidhin, sharcigana aan la marin, ciddii falalka
geystay iwm.
Waa aragti gaaban. Xisbiga UDUB ee xukunka haya,
taageera yaashiisa, golihiisa dhexe, xoghaya guud,
mudanayaashiisa labada gole, wassiirada ilaa
madaxweyne ku xigeenku, way ka warqabaa ama qayb ayay
ka yihiin xumaha dalka ka socda. Xil iyo waajib
miyaanu iyaga ka saarayn Dalka ? Waxa ay u dhaqmaan,
shaqaale madaxweyne.
Xisbiga UDUB, muddadii uu xilka hayay, kama soo bixin
hawshii loo igmaday. Wuxu muujiyay; karti darro iyo
daacad darro. Hore ayaa loo eeday dhaqankan oo kale.
Taaeiikhdii Ina Siyaad Barre, ma dheera.
Amar-ku-taaglayn, kibir jab iyo qomamaa ka dambeeyay.
Jiritaankii Dalku, wuxu u baahan yahay. ISBEDEL DHAB
AH, OO DAKHSO AHI; Ma dhici karaa? Doorasho XOR ah,
oo XALAAL ihi ma qabsoomi kartaa? Carqaladaha badan ee
ku gadaaman ma laga gudbi karaa ? Talo midaysan ma
laga yeelan karaa? Sidee looga gudbi karaa arrimaha ay
ka mid yihiin:
Xaalad Xun oo Halis ah oo aan Hore inoo soo marin ayaa Dalkii Marayaa: By: Muj. Maxamed Xaashi Cilmi1.Komishanka Doorashooyinka oo aan ahayn
dhex-dhexaad, bal-se ka tirsan xisbiyo.
2.Komishanka oo aan isu-dheeli tirrayn. Xisbiga
UDUB lee yahay shan xubnood. KULMIYE iyo UCIDna
leeyihiin laba xubnood.
3.Komishanka oo aan karti iyo madax-banaani ay
hawsha ku fuliyaan aan lahayn.
4.Awoodda dhaqaale, ee hadda loo isticmaalo
DHAAMEELka oo aan shaki ku jirin, in doorashadana loo
isticmaali doono.
5.Xisbiyada mucaaridka oo gaffay inay ku
adkaystaan xukuumad loo dhan yahay, oo doorashooyinka
dalka qabata, markii shantii sannadood ee xukuumaddii
dhamaatay.
MAXAA XAL AH ? SIDEE- SE DALKA LOO BAD-BAADIYAA
?
Mucaaradka oo dhan, oo u midooba sidii maamulkan
musuq-maasuqa ah ee cimrigiisii ku dhamaystay aayo
la'aanta, xilka looga wareejin lahaa. Khilaafka busta
qoyan la saaro, oo meel la iska dhigo.
Hebel- Hebel ku beddel, iyana murtiyi kuma jirto. Waa
in da'yartu, (gudo iyo qurba-joog) is-abaabulaan,
shuruudo ku xidhaan xisbiyada mucaaradka, ciddii u
tar-tamaysa xilka Madaxtooyada..Waa in ay ka qayb
galaan loolanka doorashooyinka. Waa inay mustaqbal
kooda iyo Dalkooda dhistaan, oo ay ka waantoobaan
TAHRIIB iyo DAL dadkoodii dhistay. Dalku wuu innagu
filan yahay. Intii tahriibka inagaga geeriyootay Eebbe
janada ha ka waraabiyo. Eheladiina samir iyo iimaan.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Xaashi Cilmi.